Munaasibadii Xilwareejinta Haamaa Shiidaalka Berbera Oo Buuqa Isu Bedeshay, Badheedhihii Mayar Cabdishakur, Dhuumashadii Badhasaabka Saaxil Iyo Kala Hadalkii Wasiirada+Shirkadihii Lagala Wareegaayay Oo Madasha Ka Maqnaa
September 9, 2018 - Written by Berbera Today
Munaasibadii xilwareejinta haamaa ee buuqa isu bedeshay ! badheedhihii duqa Berbera Iyo dhuumashadii badhsaabka saaxil ,iyo khalkhalkii wasiirada iyo maqnaashihii shirkadihii dhiigmiiratada ahaa ee BOG.

Berbera(Berberatoday.com)-saaka oo ku beegnayd maalintii loo qoodayey inay xukuumada somaliland haamaha shidaalka la wareegto ,ayaa waxaa haamaha shidaalka Berbera soo gaadhay wasiirka wasaarada Maaliyada ,Wasiirka Yuusuf Maxamed Cabdi wasaarada ganacsiga jsl Xasan Sacad Saajin iyo hanta dhawrha guud ee qaranka Somaliland Axmed Yuusuf dirir iyo xubno kale oo ay kamid ahaayeen xisaabiyaha guud iyo mareeyaha cusub ee Haamaha Shidaalka Berbera .