Itoobiya Iyo Eritrea Oo Xadkooda Dib U Furay
September 11, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Hogaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea ayaa dib u furaya xadkii dhulka la isaga tallaabi jiray ee la xidhay labaatan sano ka hor markii ay dagaalka xun galeen labadan dal ee dariska ah sagaashameeyadii.

Arrintan ayaa waddada u xaadhaysa in ay dib u midoobaan kumannaan qoys labada dhinac ku kala xayirmay.