Siyaasiga Faarax Macalin Oo Hargeysa Soo Gaadhey Iyo Ujeedada Socdaalkiisa
September 12, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasiga Faarax Macalin oo mar soo noqday Afhayeenka Baarlamaanka Kenya dalka Kenya ayaa maalintii shalay aheyd soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasiamda Somaliland

Faarax Macalin oo ka yimid dhinaca magaalada Jig jiga ee caasimada maamulka Somalida Itoobiya oo uu maalmihii ugu danbeeyey ku sugnaa ayaa la filayaa in uu la kulmo madaxda ugu sareysa Somaliland