Michael Keating Oo Shaaciyey Wixii Ka Yaabiyey Intii Uu Dalka Soomaaliya Ku Sugnaa
September 12, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Ergeygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobw u joogay Soomaaliya ee hadda xilkaas baneenaya, Michael Keating ayaa wariyaha BBC-da Marry Harper uga warramay arrintii aadka uga yaabisay intii uu Soomaaliya ka shaqeenayey.

Keating oo bedelay Nicolas Kay oo u warramaya Marry Happer waxa uu yidhi : “Waxa aan aadka ula yaabay waxaa ka mid ah in Soomaalida aad dood kulul la gali karto hadana waxyar kaddib ay noqonayaan kuwo ilaaway wixii idin dhexmaray oo halkii ay saaxiibtinimadiina ka sii soconeysaa.”