Hargeysa: Nin Diyaarad Ka Sameeyay Hoteel Oo Ka Waramay Wakhtigii Ay Fikradaasi Ku Dhalatay
September 13, 2018 - Written by Berbera Today
Weligaa ma ku fekertay in dayaarad weyn oo nooca rakaabka ah laga dhigi karo makhaayad cunto wanaagsan leh?
Hargeysa(Berberatoday.com)-Fikradaas waxaa magaalada Hargeysa la yimid Khadar Xasan Daa’uud oo ka mid ah dadka qurbaha ka soo laabtay.

Dayaaradaas oo beri ahaan jirtay mid ka shaqaysa Hargeysa iyo waddamada kale ee gobolka, ayuu Khadar sheegay in fikraddan ay ku dhalatay “markii ay dayaaraddu cilladowday”, isna uu London ku lahaa xafiis tikidhada gooya oo uu axwaasha diyaaraddan la socday.