Sarkaal Halbowle U Ahaa Kooxda Caare Oo Ku Soo Noqonaya Ciidanka Qaranka Iyo Qaban-Qaabada Soo Dhawayntiisa Oo Ka Socota Ceerigaabo
September 13, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Taliyahii dhawaan ka goostay ciidamada qaranka gaashaanle dhexe Gamaal Ducaale Maxamed oo ay waheliyaan Ambalaas iyo lix ka mid ah ciidamada qaranka oo uu hore ula goostayayaa ku sugan duleedka Ceerigaabo iyada oo lagu wado in maanta lagu soo dhaweeyo magaalada Ceerigaabo.
Sarkaalkan oo hore uga goostay ciidamada qaranka ayaa uu khilaaf soo kala dhex galay Taiye Caare oo ay isku koox ahaayeen, waxaana taliye Gamaal oo wata gaadhigii ambalaaska ahaa ee ay kooxdaas hubaysani ka dhacday gobalka Sanaag iyo lix askari la filayaa inay maanta yimaadaan magaalada Ceerigaabo.