Hargeysa(Berberatoday.com)-Marwo Faadumo Siciid oo ka mid ah masuuliyiinta sar sare ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxa ay ka hadashay xaalada uu dalku ku sugan yahay, iyadoo madaxweynaha Somaliland ugu baaqday in uu dhagaysto talooyinka kala duwan ee loo soo jeediyo.
Sidoo kale Marwo Faadumo Siciid ayaa waxa ay ka jawaabtay hadalo ka soo yeedhay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Somaliland oo ku saabsanaa in dhalinyarda waxbaratay ay ka haajiraan dalka.