Gabadh Muslimad Reer Hindiya Ah Oo Ka Yaabisay Dadka Biraha Culus Qaad Qaada.
September 14, 2018 - Written by Berbera Today
Hindiya(Berberatoday.com)-Gabadh Hindiyad ah , sidoo kalena Muslimad ah ayaa ka yaabisay warbaahinta caalamka, kadib markii muqaal laga duubay iyada oo ciyaaraysa Jimicsi , sidoo kalena qaad qaadaysa biro aad u culus oo ay qaadi karaan uun raggu.
Gabadhan yar ayaa toddobaadkan noqotay waxyaalaha ugu hadal haynta badan dalka Hindiya , iyada oo ay dadka qaarkood u qaadan waayeen awooda gabadhan yar iyo culayska ay qaad qaadayso.