Libaax Gool Ah Oo Dad Ku Weerartay Jabuuti Iyo Tirada Dadka Ay Wax Yeeladu Kasoo Gaadhay Oo La Sheegay
September 16, 2018 - Written by Berbera Today
Jabuuti(Berberatoday.com)-Degmada Duuda oo labaatan kilomitar u jirta caasimadda Jabuuti waxaa ka fakatay libaax dhedig ah ama gool taas oo dhaawacday saddex qof oo kamid ah dadka deegaanka.

Labo cisho ka hor ayay gooshan ka baxsatay goob lagu xannaaneeyo duur joogta oo ku taalla dalka Jabuuti.
Madaxa caafimaadka degmada Duuda ayaa ka dhawaajiyay in libaaxa uu dhaawaca u gaystay saddex qof isla markaasna xaaladdooda caafimaad ay wanaagsantahay.