Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hargeysa Ku Casuumay Diblomaasiyiinta Iyo Khubaradii Shisheeye Ee Somaliland U Doodi Jiray
September 16, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu magaalada Hargeysa Ku marti Qaadey Diblomaasiyiin iyo aqoon yahano ajaanib ah ee ka mid ah ajaaniibta taageersan ee u dooda qadiyada Madax banaanida Somaliland .

Ma jiro war rasmi ah oo xukuumadu ka soo saartey Martiqaadkan lakiin warar xog ogaal ah oo Wargeyska Geeska Africa helay ayaa xaqiiiyey in madaxweyne Muuse Biixi uu doonaayo inuu magaalada Hargeysa shir kula yeesho diblomaasiyiin iyo khabiiradan shisheeye .