Gabiley: Maxkamad Xukuntay Dad Lagu Qabtay Cuntooyin Dhacay Oo Ay Taariikhdeeda Cusboonaysiinayeen Si Ay Dib Ugu Iibiyaan
September 16, 2018 - Written by Berbera Today
Gabiley(Berberatoday.com)-Maxkamadda Gobolka Gabiley ayaa Shalay Xukuntay in la gubo Khamri qabtay, Daawooyin iyo Sharaab dhacay oo la qabtay iyadoo Ganacsadii lahayd Taariikhda ka beddelayaan si ay Dadka uga iibiyaan.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobol/degmo Gabiley Cabdikariin Cumar Cabdi, oo ka hadlayey khamriga iyo Alaabooyinka kale ee ay amreen in la gubo ayaa yidhi “Halkan waxaynu ku gubaynaa Khamri dhan 538 Litir iyo 150 Kartoon oo iskugu jira Cunto, Nac-nac, sharaab iyo Kiniinka loo yaqaanno Fiyaagaro oo ah noocyada Dawada ka mid ah iyo Dawooyinka la ismariyo, dhammaan Alaabtaas oo dhaaftay wakhtigii loogu talo-galay, taas oo Taariikhdeeda la cusboonaysiinayey.”