Qaramada Midoobey Oo Digniin U Dirtey Dalka Israel Iyo Nooca Digniintu Tahay
September 17, 2018 - Written by Berbera Today
New York(Berberatoday.com)-Ergeyga Qaramadda Midoobay uqaabilsan nabadeynta Bariga Dhexe Nickolay Mladenov ayaa uga digay Israa’iil in ay burburiso tuula ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ku taal dhulka ay Yhuudda haysata ee daanta Galbeed.

Ergeyga Qaramada Midoobay ee nabadeynta Bariga Dhexe Mr Mladenov ayaa ugu baaqay Israa’iiliyiinta inay ka fiirsadaan burburinta deegaakaaso la degan yahay, isaga oo sheegay in burburinta tuulada Bedouin ee Khan al-ahmar ay jabin doonto sharciga caalamiga.