berberatoday.com
Xildhibaanno Xaaraan Ku Tilmaamay Lacagta Wasiirka Maaliyaddu Ku Beddelayo Bileydhada Labarada Baaburta
September 17, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Aftahannews)- Xildhibaanno ka tirsan Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxa ay si adag uga hadleen tacriifad ay Wasaarka Maaliyaddu sheegay in lagu beddeli doono Taarikadii hore ee Gaadiidka dalka hore u joogay oo midkiiba lagu beddelayo Lix Boqol oo kun oo Shilinka Somaliland ah, halka kuwa cusubna laga qaadi doono Lacag Hal Milyan ah.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) iyo Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi (Siraadle) oo ka mid ah Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxay arrin sharciga baalmarsan iyo xaraan ay ku tilmaameen Lacagtaas.

Labadan Mudane waxay sheegeen in Golaha Wakiillada oo keliyi xaq u leeyahay waxa lagu kordhinayo iyo waxa laga beddelayo inay aqlabiyad ku oggolaadaan, balse aan Wasiirka Maaliyadda iyo cid kale toona awood u lahayn tallaabadan.

Hase-yeeshee, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi oo xalay War-Saxaafadeed Qoraal ah soo saaray, ayaa geestiisa ku dooday in Golaha Wakiilladu ansixiyey Xeerka u oggolaanaya wax ka beddelka iyo kordhinta Cashuuraha kala duwan ee Wasaaraddiisu qaaddo.

https://youtu.be/d2TzyEdQc-w

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews