Jacaylka Aynu U Qabno Cunista Hilibka Xooluhu Waa Dareen Nafsi Ah Oo Aynu Awoowyadeen Ka Hidde Raacnay”Cilmi Baadhis
September 18, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday in uu jiro dareen xoog badan oo dadka badankooda ku riixa cunista hilibka, kaas oo marar badan ka badiya xitaa doonistooda ah in ay iska yareeyaan ama joojiyaan. xogta cusub ee cilmibaadhistani soo kordhisay ayaa sii iftiiminaysa sababta ay ku dhacdo in dadka badankoodu aanay ka joogsan cunista hilibka xoolaha oo khubarada caafimaadku ay ku sheegaan khataro badan oo caafimaad.