Lammaanaha Ugu Cimriga Dheer Qoysaska Adduunka Iyo Muddada Ay Wada Noolaayeen !
September 19, 2018 - Written by Berbera Today
Tokyo(Berberatoday.com)-Lammaane u dhashay Dalka Japan ayaa waxay ku guuleysteen inay noqdaan lammaanihii is qabay muddada ugu dheer ee ay wada nooladaan Lammaane is qaba oo Dunida ku nool.
Lammaanahan ayaa waxa magacyadooda la kala yidhaahdaa Masao Matasmoto oo da’diisu tahay 108 jir iyo xaaskiisa oo magaceeda la yidhaahdo Miyako da’deeduna tahay 100 jir, labadan lammaane ayaa waxay qoys ahaayeen isla markaana ay nolosha soo wada qaateen muddo 80 sano ah.