“Xisbiyadeenna, Waxaad Mooddaa Inay Aqoon-darro Badani Ka Haysato Xaga Shuruucda, Warbaahintana Ka Hadlayaan Dad Aan Waayo-aragnimo U Lahayn Maamulku..” Wasiirka Gaadiidk JSL
September 19, 2018 - Written by Berbera Today
Wasiirka Gaadiidka Oo Si Adag Uga Jawaabay Dareenka Xisbiyada Mucaaridka Ee Tacriifada Summada Gaadiidka
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda JSL ayaa si adag uga jawaabtay Xisbiyada Mucaaridka ee Waddani iyo Ucid oo shalay gaashaanka ku dhuftay sharcinimada lacagta Bileydhada cusub ee Gaadiidka, isla markaana faahfaahin ka bixisay sababta keentay in la beddelo bileydhadii hore iyo waliba waxyaabaha ay xukuumaddu u cuskatay qiimaha ay u jaan goysay in lagu qaato bileydhada.
Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa shalay arrimahaasi ka hadlay waxaanu ugu horreyn uu sheegay in xeer muddo hore la sameeyay uu waajibinayo in la beddelo Bileydhka Gaadiidka, waxaanu yidhi “Xeer la sameeyey 2013kii oo la yidhaa Xeer 56 qodobkiisa 48aad faqradiisa 2aad iyo 4aad ayaa waajibinayey in summada Gaadiidka la beddelo, shay kasta oo la bilaabayaana waxa uu leeyahay caqabad”. Wasiirku waxa uu intaasi ku daray, “Xeerkaasi muu ahayn mid laab la kac ah ee waxa uu ahaa mid fikir iyo daraasad badan la galiyey, waxaana la arkay markii la sameynayey xeerkaasi in 38 mitir wixii ka badan aan laga arki karayn marka uu gaadhigu shil geysto, qodobka labaad na waa in xeerkaasi uu jidaynayey in gaadiidka shantii sano ba mar la tiro koobo, waxaana adkaatay in la tiro koobo oo may jirin hab lagu sugayo gaadiidka dalka jooga wixii ka baxay iyo wixii yaalla”.