berberatoday.com
Madaxtooyadda Somaliland Oo War Ka Soo Saartay Socdaalka Madaxweyne Gaas Ee Badhan
September 20, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Shirkii Golaha Wasiiradda Somaliland ee Maanta ayaa warmurtiyeed laga soo saaray lagaga hadlay socdaalka madaxweynaha Puntland ku yimid Barriga Somaliland.

Taariikh: 20/09/2018

WAR-SAXAAFADEED

Golaha wasiirradda Somaliland Oo Soo Saaray Qodobbo Ku Wajahan Faro-gelinta Soomaaliya Ay Ku Hayso Somaliland, Gaar Ahaan Gobolka Badhan,

 

 

Kal-fadhigii 21-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 20/09/2018, waxa lagaga dooday faro-gelinta ay Soomaaliya ku hayso Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan gobolka Badhan,

 

Kal-fadhiga golaha wasiirrada, ayaa lagaga digay faro-gelinta qaawan ee ay Soomaaliya ku soo qaadday gobolka Badhan iyo sida aan marnaba loogu dulqaadan Karin gardarrada iyo daan-daansiga lagu hayo Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu goluhu soo saaray qodobbadan.

 

 

 

1.Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay aaminsan tahay nabadgelyada iyo deggenaanshaha gobolka geeska Afrika, waxana ay kasoo horjeeddaa colaad iyo khal-khal nabadgelyo-darro oo ka dhaca gobolka.

 

2.Soomaaliya waxa ay kusoo xad-gudubtay Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo food-saare ka dhiganaysa maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, sidaynu ognahay sannadkan horraantiisii waxa yimi gobolka Badhan wasiir Federal ah oo horseeday iska hor-imaatin ciidan oo dhiig ku daatay.

 

3.Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay aqbashay dhexdhexaadintii IGAD, AU-da iyo wakiilka UN-ta Soomaaliya u jooga oo ahayd in colaadda la joojiyo oo maxaabiista la kala beddesho oo ay wada-hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya, hase yeeshee, waxa caddaatay in dawladda Farmaajo ay ka go’an tahay inay dagaal joogto ah kusoo qaaddo Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo dabada ka riixaysa maamulka Puntland. Imaatinka Cabdiweli gaas ee Gobolka Badhan waxa uu qeexayaa faro-gelin qaawan oo siyaasadeed iyo joogtaynta colaad Somaliland ka dhan ah, sidaa daraadeed Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay go’aansatay in dalkeeda, dadkeeda iyo qaran-nimadeedaba ay difaacayso.

 

 

4.Waxannu u sheegaynaa Soomaaliya in Jamhuuriyadda Somaliland ay si waafi ah uga fal-celin doonto xad-gudubkaa aad ka badheedheen.

 

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews