Caafimaad Darrada Maqaarka Iyo Is Xoqista Habeenkii Waa Calaamad Muujinaysa In Qofku Nafsad Ahaan Ubuko
September 20, 2018 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Dr. Kurt Zajkovski oo ah dhakhtar u dhashay dalka Jarmalka oo ku xeeldheer cudurrada maqaarka ayaa sheegay in xanuunnada maqaarka sababtoodu ay marmar badan la xidhiidho xaalado nafsi ah. In kasta oo aan Meesha laga saari karin asalka ah in uu yahay xanuun ku iman kara sababo kale oo la mid ah xanuunnada caadiga ah ee jidhka ku ama xubnaha ku dhaca.
Dhakhtarku waxa uu sheegay in xaaladaha caafimaad darro ee maqaarku ay calaamad u noqon karaan xanuun nafsi ah oo khatar ah in uu qofku qabo. Waxa aanay inta badan xaaladahaas nafsiga ahi noqdaan qulubka iyo warwarka, qulubka iyo diiqadda nafsiga ah. Waxaa ka mid ah marka uu qofku ku jiro dhibaato dhinaca dareenka ah sida jacaylka iyo warwarka la xidhiidha shaqada.