Soomaali Ku Go’doonsan Gudaha Deegaanka Oromada Oo Qaylo Dhaan Soo Dirsaday
September 20, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Soomaalida ku nool deegaanka Balbaleyti oo ka tirsan gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay sheegeen in ay kala kulmayaan qowmiyaddii kale ay la deggaan deegaankaasi. Dadkani ayaa sheegaya in qoysas badan oo Soomaali ah ay ku xayiran yihiin deegaankaasi isla markaana loo diiday in ay halkaasi ka baxaan, iyadoo sida ay sheegayaan ay jiraan dhibaatooyin kale oo loo geysanayo, ayna xaaladda ku adag tahay, Iyagoo baaq u dirsaday dhamaan umada Soomaalida iyo maamulka cusub ee dawlad deegaanka.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka