Ciidamada Amaanka Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Caaqil Iyo Suldaan La Damacsanaa In La Caleema Saaro Iyo Sababta Xadhigooda
September 21, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidamada amaanka ayaa xabsiga dhigay guoomiyihii cuqaasha gobolka maroodijeex caaqil Halac Colaad Jaamac Iyo Suldaan Siciid Cabdi Jaamac(Hadhiye) oo la damacsan yahay in dhawaan la caleemo saaro.

Madax dhaqameedkan oo ciidamada amaanku ka qabteen xaafada Siinay ee magaalada Hargeysa ayaa lagu xidhay saldhiga Daloodho, kuwaas ilaa haatan ku xidhan.