Madaxweynihii Dalka Vietnam Oo Geeriyooday Iyo Inta Da’diisu Aheyd
September 21, 2018 - Written by Berbera Today
Saigon(Berberatoday.com)-Madaxweynihii dalka Vietnam Tran Dai Quang ayaa maanta geeriyooday isaga oo ay da’diisu aheyd 91 sano, kadib xanuun uu muddo la jiifay.

Wakaalada rasmiga ah ee dalka Vietnam, ayaa maanta shaacisay in Quang uu ku dhintay isbitaal milatari oo ku yaalla magaalada Hanoi.
Marki ugu danbeysay oo Quang meel fagaara ah lagu arko ayaa waxa ay aheyd Arbacadi hore, xilligaas oo ay saraakiisha xisbiga shuuciga ah ee talada haya ay soo dhaweynayeen wafdi ka socda dowladda Shiinaha.