11 Lamaane Oo Aroos-wadareed Loogu Samaynayo Madaxtooyada Somaliland Iyo Sababta Keentay
September 21, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-11 Gabdhood, ayaa Aroos-wadareed loogu qabanayaa Madaxtooyada Somaliland, waxaanay noqonaysaa dhacdadii ugu horreysay ee nooceeda ah ee Madaxtooyada Somaliland ka qabsoonta, iyaga oo ay 11-kaas Hablood Arooska loo qabanayo uu ka qaybgeli doono Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Siciid Maxamuud Xuseen oo ka mid ah Dadka Aragga Naafada ka ah, isla markaana u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Naafada, ayaa sheegay Warkan, waxaanu intaas ku daray inay wadaan qorshaha lagu aroosayo 11 Gabdhood oo aragga Naafo ka ah, waxaanu Baaqyo kala duwan u diray Madaxweynaha, Qaybaha Bulshada, Culimada iyo Dhakhaatiirta Somaliland ka hawlgala.