Ethiopia Oo Sheegayo Inay Yeelan Doonta Madaxaweyne Ama Ra’iisul Wasaare Xigeen Somali Ah
September 21, 2018 - Written by Berbera Today
ddis Ababa(Berberatoday.com)-Gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya, Faarax Macalin Dawaar ayaa sheegay war ka yaabiyey dad badan oo Soomaali ah, gaar ahaan dadka Soomaali Galbeed, oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee Ethiopia.

Faarax Macallin oo dhawaantan aad ugu dhuun duleelay is bedelada siyaasadeed ee Itoobiya ka socda, ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in doorashada guud ee Itoobiya ka dhici doonta ay Soomaalida heli doonaan jagada madaxweynaha ama ra’iisul wasaare ku xigeenka.