Ciidamada Puntland Oo Duleedka Degmada Badhan Ku Dilay Suldaan Caan Ah
September 21, 2018 - Written by Berbera Today
Badhan(Berberatoday.com0-Askari ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa meel wax yar u jirta Degmada Badhan waxa uu saaka ku dilay Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee Suldaan Xasan Cali Jibriil oo ka mid ahaan madax dhaqameedka deegaankaasi.

Dilka ayaa La sheegay inuu u dhacay si Kama’ ah markii baabuurka uu watay Suldaanku uu soo dhaafay Bar Kaantarool oo ku taala halka uu shilku ka dhacay.