Booliska Putland Oo Qirtay Inay Wariye Ku Jidh Dileen Gaalkacayo Nabarana Ugeysteen
September 24, 2018 - Written by Berbera Today
Galkacyo(Berberatoday.com)-Maxamad Cali Siyaad waxaa Jidhdil u geeystay askari ka tirsan ciidanka booliska Puntland ee gobolka Mudug, waxa uu sheegay maxamed in markii jidhdilka loo geeysanayay uu doonayay in uu waereysi ka qaado Maxamad Cali Cawaale oo ah taliye ku xigeenka qeybta booliska.
BBC-da oo la hadashay Maxamed ayuu u sheegay in nabarka madaxa kaga yaal iyo jugta kale ee qarsoon ay u gaysteen booliska waxa uuna intaasi ku daray in askariga gacan qaadka u geystay aanu xidhnayn darayska booliska oo u xidhnaa dhar caadi ah.