Wasiir Iska Casilay Maamulka Puntland Oo Sheegay In Maamul Xumo Iyo Musuqmaasuq Ka Jiro Putland
September 24, 2018 - Written by Berbera Today
Garoowe(Berberatoday.com)-Wasiirkii Wasaaradda Deegaanka iyo Is-beddelka Cimilada ee Maamul-goboleedka Puntland Cali Cabdillaahi Warsame, ayaa maanta is-casilay, isagoo ku eedeeyay Maamulka musuqmaasuq iyo inuu ku fashilmay Himilooyinkii Shacabka Puntland ka filayey.
Cali Cabdillaahi Warsame Wasiirkii Deegaanka iyo Is-beddelka Cimilada Puntland, waxa kale oo uu ku sababeeyay is-casilaaddiisa in Shaqada Wasaaradda lugu wareejiyay Hay’ad uu sheegay inay Madaxtooyada Puntland si gaar ah u naas-nuujiso, si mashaariicda dano shaqsiyeed iyo musuqmaasuq loogu dabbaqo, sida uu hadalka u dhigay Wasiirka is-casilay.