Boqolaal Milyan Oo Qof Oo Dunida Ku Kala Nool Oo U Dhinta Cabista Khamriga Iyo Tirada Haweenka Ee Khamriga Cabta !
September 25, 2018 - Written by Berbera Today
New York(Berberatoday.com)-Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa shaaca ka qaaday in ilaa iyo saddex Milyan oo qof sanad kasta u geeriyoodaan Cabista Khamriga, taasoo macnaheedu yahay in labaatankii xaaladood ee dhimasho ah ee Dunida ka dhaca hal xaalad oo ka mid ah uu Khamrigu sababo.
Waxa kale oo ay Hay’adu xaqiijisay in tirada ugu badan oo cabista Khamriga u geeriyoota ay Rag u badan tahay, wallaw ay jirto wacyigelin aad u badan oo lagaga hadlayo dhibaatooyinka Khamriga, balse waxa la filayaa in tobanka sano ee soo socda ay kor u sii kacdo tirada dadka Khamriga caba ee Caalamka ku nooli.