“Go’aannadii kasoo baxay Shirkii Wadatashiga Muqdisho Somaliland ma Khuseeyaan”Cali Maxamed Warancade
January 30, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-Cadde oo ka hadlayay Go’aannadii kasoo baxay Shirkii Madasha Wada-tashiga doorashooyinka Somalia ee Muqdisho lagu qabtay ayaa sheegay in go’aannadaas aysan waxba ka khuseyn Somailland.

Cali Waran-cadde ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in iyagoo Somalia inteeda kale ka go’ay 25-sano ka hor ay maanta sheegtaan inay Somaliland ka tirsan tahay maamullada hoos-yimaada dowaldda federaalka ah, laakiin waxaan u sheegayaa buu yiri inaanu nahay laba waddan oo kala madax-bannaan; haddana jaar ah.