War Deg Deg Ah”Xildhibaanada Golaha Deegaanka Borama Xilkii Ka Qaaday Mayar Maydhane Bedelkiisiina Doortay
September 29, 2018 - Written by Berbera Today
Boorama(Berberatoday.com)-Maayarkii Magaalada Boorama ayaa saaka ay xildhibaanada golaha deegaanka Boorama ka qaadeen xilkii maayarnimo.
Fadhigan saaka xilka lagaga qaaday maayarka waxaa soo xaadiray labaatan xildhibaan, waxaana maqnaa xildhibaan keliya. Waxaa sidoo kale fadhiyay Wasiir Dawlaha Amniga Maxamed Muuse Diiriye iyo badhasaabka Gobolka Awdal.
Waxaana jagada maayarnimada ku tartamay maayarkii hore ee Boorama Saleebaan Xasan Xadi iyo ku xigeenkiisii hore Maxamed Muxumed Faarax (Dheerayste), waxaana ku guulaystay maayarka cusub ee Boorama Saleebaan Xasan Xadi oo Hal cod kaga badiyay Xildhibaan Dheerayste.