50 Milyan Oo Qof Oo Facebook Adeegsada Oo Xogtooda La Xaday
September 29, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in “ku dhawaad 50 milyan” oo qof oo adeegsada shabakadeeda xogtooda u dayacantay cillado farsamo oo xageed ka timid awgood.
Shirkaddu waxay sheegtay in dadka xogtaa jabsaday ay ka faa’iidaysteen nugaylka qodobka ilaalada ee la yidhaa “View As” taas oo u sahashay in ay fakaag u helaan xogta dadka.
Dhacdadan waxa la ogaaday Salaasadii, booliskana waa lagu wargeliyey ayey tidhi Facebook.
