Dad Loo Maxkamadeeyay Isku Dayga Dilkii Ra”iisal Wasaaraha Itoobiya
September 29, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dacwad oogeyaasha dalka Itoobiya ayaa maxkamad soo taagay shan qof oo lagu tuhunsanyahay argagixisannimo, iyagoo loo heysto iney isku dayeen dilka Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ka dib markii bishii June ay bam gacmeed ku tureen fagaare uu ku sugnaa.
Weerarkaas oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa , ayaa lagu dilay laba ruux, halka in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen, balse waxyeello kama soo gaadhin Ra”iisal wasaare Abiy Ahmed, Sidoo kalena eedeysaneyaasha ayaan ilaa haatan hadlin.
Tan iyo markii uu xilka qabtay bishii Abriil, Abiy Ahmed ayaa soo bandhigayay isbadallo xidhiidh ah oo isugu jira dhanka siyaasadda, dhaqaalaha iyo dublomaasiyadda, kuwaasoo si weyn loo soo dhaweeyay.