Ciidamada Amaanka Gobolka Togdheer Oo Xabsiga Utaxaabay Laba Muwaadin Oo Eedaymo U Jeediyey Qalbi Dhagax Oo Ay Sheegay Inuu Gaadiid Ka Gubay
September 29, 2018 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Ciidamada amaanka ee magaalada Burco ayaa xabsiga dhigay laba nin oo ka mid ah dadka ku nool magaaladaasi.
Ciidamada amaanka ayaa shalay Jimcihii xabsiga dhigay labadan nin oo lagu kala magacaabo Faarax Xuseen iyo Shaakir Deeq.
Wararka ayaa sheegaya in xadhiga labadan muwaadin uu la xidhiidho hadalo ay dhawaan warbaahinta ka sheegeen oo ku saabsan in Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax uu baabuur ka gubay wakhtigii ay jabhada ONLF mamnuuca ahayd.