Daawo Muuqalka”Jaamac Shabeel Oo Ka Hadlay Xil Ka Qaadistii Maanta Lagu Sameeyey Ganafkana Ku Dhuftey
September 30, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyihii golaha dhexe ee xisbiga Kumiye Jaamac Ismaaciil Cige waxa uu BBC-da u sheegay in xilka qaadistiisu aanay sharci ahayn iyo in jagada guddoomiye ku xigeenka labaaad ee xisbiga Kulmiye ay bannaan tahay oo aan wali la dooran xisbiguna aanu ansixinba Axmed Cabdi Dheere, sidaas darteedna aanu sharci u lahayn in uu isugu yeero xubnaha gudiga fulinta oo isla mar ahaantaasna ay go’aanno qaataan.
Jaamac Shabeel wuxuu kaloo intaas kudaray in golaha dhexe uu yahay hay’dda ugu sarraysa ee xisbiga oo uu ka sarreeyo guddiga fulinta isla mar ahaantaas ay asaga soo doorteen golohaasi, sidaas darteedna xilka qaadistiisu aanay ahayn mid sharciga waafaqsan uuna gadaal ka sheegi doono faahfaahinta arrintan la xidhiidhta