Dawlada Xamar Oo Ka Hadashay Geerida Boqolaal Somali Ah Oo Ay Dooni La Dagtay M
April 18, 2016 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynaha somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dhalinyaradii tirada badnayd ee ku geeriyootay bada u dhaxaysa Masar iyo talyaaniga.
Madaxweynaha somaliya oo war saxaafadeed ka soo saaray magaalada Muqdisho ayaa ku sheegay inuu dhambaal tacsi ah gaadhsiinayo ehelada ay ka baxeen dadkaasi, waxaanu ku yidhi war saxaafadeedka “”Waxay dhallinyaradan ka baxeen Somali oo dhan, waana arrin murugo leh in dhalinyaradeena ay safaradaasi khatarta ah naftooda ku waayaan,”