Laba Qof Oo Soomaali Ah Oo Si Yaabo Kala Duwan Ugu Geeryooday Dalka Switzerland
October 3, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Laba qof oo Soomaali ah ayaa ku geeryooday dalka Switzerland, sida ay xaqiijiyeen jaaliyadda Soomaalidu.
Nin dhallinyaro ah oo Soomaali ah ayaa isku dhigay tareen meydka qof kale oo Soomaali ah oo dhaawacyo ka muuqdan ayaa isna laga helay meel wabi ah oo ku taalla magaalada Basel ee waqooyi galbeed dalka Switzerland.
Meydka ninka dhallinyarada ah ee tareenka isku dhigay ayaa la aasay, halka ay wali booliska baadhayaan qof kale oo isna nin ah oo meydkiisa laga helay meel wabi ah.
