Yaa Fuliyey Weerarkii Lagu Diley Dadka Itoobiyaanka Ee Xalay Ka Dhacay Boosaaso?
October 3, 2018 - Written by Berbera Today
Boosaaso(Berberatoday.com)-Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyada dilkii loo gaystay xalay 4 qof oo Itoobiyaan ah, sida lugu baahiyay bog taageerra kooxda.
Dilkan ayaa habeenkii xalay ka dhacay xaafadda ay ku badanyihiin ajanabiga gaar ahaana Itoobiyaanka ee Saantoos oo ku dhow dekedda magaalada Boosaaso.
Isla weerarka ayey Daacish ku dhaawacday hal qof oo ajaaniib ah oo imika lagu dabiibayo Cisbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso.
