Qof Rayid Ah Oo Lugu Dilay Magaalada Boosaaso
October 4, 2018 - Written by Berbera Today
Boosaaso(Berberatoday.com)-Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeryooday toogasho ka dhacday magaalada dekedda leh ee Boosaaso.
Dablay aan la aqoonsan ayaa la sheegay inay toogasho ku dileen Saciid oo ku magac dheeraa Ina Maqadeeye, waxa uuna ahaa madaxii iskaashatada gaadiidlayda Isgoyska Xalwo Banaadir ee magaalada Boosaaso.
Ma jirto warbixin ka soo baxday hay’adaha ammaanka ee maamul goboleedka Puntland oo dilkan looga hadlay, sidoo kale waxaa markiiba goobtii ay toogashadu ka dhacday ka baxsadey kooxda fulisay dilka.
