Hay’addaha Xuquuqul Insaanka Oo Ugu Baaqay Eritrea Inay Sii Deyso Maxaabiista Siyaasadda U Xidhan
October 4, 2018 - Written by Berbera Today
Asmara(Berberatoday.com)-Xidhitaankii dhawaan loo geystay wasiirki hore ee Maaliyadda Eritrea ayaa ah calaamad muujineysa in wali ay sii socdaan xeeladaha lagu caburinayo siyaasiyiinta waddanka Eritrea, inkasta oo isbeddelo diplomaasiyadeed ay ka dhaceen dalkaasi.
Saraakiisha Eritrea ayaa xidhay 17 Sebtember 2018, Abrehe Kidane Berhane oo ah wasiirkii hore ee Maaliyadda, ka dib markii uu ku dhaliilay barta Youtube madaxweyne Isaias Afwerki, isaga oo ku baaqay in la soo afjaro xukunkiisa.
Hay’adda Xuquuql Insaanka ee Human Rights Watch ayaa sii deysay muuqaal ay kasoo muuqdeen maxaabiista u xidhan siyaasadda ee Eritrea oo ay ka mid yihiin saraakiil sar sare oo dowladda Eritrea xilal ka soo qabtay iyo warfidiyeeno, kuwaasi oo xabsiga la dhigay sanakdii 2001, ka dib markii ay dhaliileen dowladda madaxweyne Afwerki.