Dhaq-Dhaqaaq Mucaarad Oo Ka Dhan Ah Boqortooyada Sucuudiga Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Halka Fadhiisu Noqon Doono
October 5, 2018 - Written by Berbera Today
Jiddah(Berberatoday.com)-Aqoonyahan iyo qoraaSacuudiyaan ah, oo si aad ah u dhaliila dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay dhismaha dhaqdhaqaaq mucaarad ah oo ka shaqeyn doona dalka dibeddiisa, sida uu qoray website-ka caanka ah ee Arabai21.

Marzouk Mashan al-Otaibi ayaa Dhaqdhaaqa Isku-keeniadda Qaranka kaga dhawaaqay gurigisia ku yaalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska, waxaana durba uu soo jiitay taageerada dad badan oo Sacuudiyaan ah oo aan ku qanacsaneyn dowladda hadda maamusha dalkaas.