Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Oo Qaadacay Dalab Uga Yimid Dalalka Britain Iyo Mareykanka
October 5, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman, ayaa qaadacay qorsho lagu doonayay in lagu dhex dhexaadiyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo dowlada Canada.
Bin Salman, ayaa diiday in dowladiisa ay miiska wadahadalka la fadhiisato Canada, isagoo taa bedelkeeda sheegay inay doorbidayaan calaaqada labada dal oo sii fogaata.
Waxa uu bin Salman sheegay inay adkaan doonto in dowlada Canada ay kala hadlaan arrimo ku saleysan faragalinta ay ku hayaan maxaabiis u xidhan, isagoo carab dhabay in xukunka iyo sharciga dalkooda ay u madaxbanaan yihiin.