Faysal Cali Waraabe Oo Madaxweyne Biixi Ugu Hanjabay Inuu Qaban Doono Shir Beeleed Haddii Aan Doorashada Baarlamaanka La Qaban
October 6, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku hanjabay inuu abaabuli doono shir beeleed, mar haddii aanay doorashadii baarlamaanku wakhtigeeda ku qabsoomayn.
Md. Faysal oo hadal ka jeediyay madal uu nin murashax ahi ku soo bandhigay hankiisa murashaxnimo, wuxuu sheegay in dalku marayo xaalad adag, waxaanu dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Biixi, isagoo ugu horayn ka hadlaya doorashada baarlamaanka oo aan muuqan wuxuu yidhi “Maanta doorasho ma soo muuqato, wax doorasho ah oo madaxtooyada iyo baarlamaanka ka socotaa ma jirto, baarlamaanka maanta jooga shan sano ayaa la doortay; adduunka ma jiro wakhtigiisu ka dhammaadaa hadda 13 sano ayay joogaan, waa la iska daayay sheeko doorasho.”