Xarrakada Al-Shabaab Oo Farriimo Digniin Ah U Dirtay Dalladaha Waxbarashada Soomaaliya
October 7, 2018 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay waxaa ay digniin u direen dallaadaha waxbarashada dalka oo ay uga digeen wadashaqayn toos ah oo ay la yeeshaan dawladda federaalka.
Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) oo ah afhayeenka xarrakada ayaa uga digay goobaha waxbarashada inay iska ilaaliyaan inay xidhiidh la sameeyaan dowladda Federaalka.
Waxaa uu sheegay in dalladaha doonayaan hirgalinta Manhajka cusub ee dhawaan dowladdu soo bandhigtay oo ah ayuu yidhi mid ka hor imanaya sida uu hadalka u dhiggay shareecada islaamka.