Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Wefti Culus Oo Ka Socda Dalka Ingiriiska
October 7, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda dalka Ingiriiska oo ay hoggaaminayso wasiiru-dawlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Afrika, ahna madaxa hay’adda horumarinta caalamiga ah ee DFID. Harriett Baldwin.
Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay weftiga ka socda dalka Ingiriiska, ayaa diiradda lagu saaray arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Britain iyo wada-shaqaynta labada dhinac ee dhinacyada siyaasadda, horumarinta iyo iskaashiga, waxana madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Marwo Ayaan Maxamuud Cashuur.