Zinedine Zidane Oo Kala Doortay Juventus Iyo Man.United Oo Labaduba Doonaayay Inuu Toobabare Unoqdo
October 8, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Macalinkii hore ee kooxda Real Madrid Zinedine Zidane oo hada dibad joog ka ah shaqada Kubbadda Cagta markii uu si lama filaan ah isaga casilay xilka kooxda Boqortooyada Spain ayaa beryahan u dhexeeyey middii uu aadi lahaa kooxaha Manchester United iyo Juventus balse hadda Naadi ayuu doortay.
Wakiilka Macalin Zinedine Zidane oo lagu Magacaabo Alain Migliaccio oo Waraysi siiyey Wargeys ka soo baxa dalka France oo lagu Magacaabo Journal du Dimanche.ayaa sheegay in Zidane aannu doonayn in uu qabto Manchester United balse uu doonayo kooxda Juventus.