Cabdi Maxamud Cumar(Ilay)Oo Markii Saddexaad Maanta Maxkamad La Hor Keenay + Sawiro
October 8, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta ka soo muuqday markii saddexaad maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Hoggaamiyihii hore wuxuu wajahaya eedeymo la xidhiidha xad gudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kicinta rabshadihii ka dhacay Jigjiga iyo deegaanno kale, waxaa inta dheer in sidoo kale loo haysto musuqmaasuq.