War Cusub Oo Ka Soo Baxay Taliyihii Booliiska Intelpol EE La Baadi Goobaayey
October 9, 2018 - Written by Berbera Today
China(Berberatoday.com)-Masuuliyiin ka tirsan waaxda musuqmaasuq la dagaalanka ee dalka Shiinaha ayaa baadhitaan ku haya taliyihii hore ee booliiska Adduunka ee Interpol.
Meng Hongwei ayaa in la la’yahay la tabiyay dhammaadkii bishii Sebtembar ka dib markii uu ka safray xarunta dhexe ee booliiska Interpol ee dalka Faransiiska isaga oo u duulaydalka Shiinaha.
Masuuliyiinta Shiinaha ayaa sheegay in ninkan muwaadinkooda ah looga shakisan yahay in uu sharciga meel uga dhacay, waxayna sheegeen in la waydiinayo su’aalo la xiriira in uu laaluush qaatay.