Sharikadda Google Oo Xidhaysa Barnaamijkeeda Google
October 9, 2018 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Shrikadda Google ayaa xidhaysa inta badan shabakadaha bulshada, ee Google+, loo yaqaan, kadib markii la jabsaday xogta 500,000 oo qof oo shabakaddaas isticmaala.

Sharikadda ayaa sheegtay in khaladka ka dhex jira barnaamijyadeeda ay la macne tahay in xogta dadka ee rumaysnaa in xogtoodu ay ayaga u gaar tahay ay dad kale ogaan karaan.