Mareykanka Oo War Kasoo Saaray Suxfiga Lagu La’yahay Qunsuliyadda Sacuudiga Ee Istanbul
October 9, 2018 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ugu baaqay Sacuudiga inay taageeraan baadhitaan cad oo lagu sameeyo suxufiga la la’yahay ee Jamal Khashoggi, kaasi oo aan la arkin tan iyo markii uu toddobaadkii tagey galay qunsuliyadda dalkaas ee Istanbul.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in Khashoggi lagu dhex dilay safaaradda, halka Sacuudiga ay sheegeen inuu si nabad ah uga baxay dhismaha.