Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Iyo Gudoomiye Kuxigeenka Shirkada DP World Oo Sirasmiya Uwada Dhagax Dhigay Dhismaha Deked 400 MT Ah Iyo Xaflad Balaadhan Oo Dekeda Berbera Lagu Qabtay+Daawo Sawirada
October 10, 2018 - Written by Berbera Today
Berberatoday.com)-Mashruuc lagu balaadhinayo dekedda Berbera ayaa maanta munaasabadiisa dhagax dhigga lagu qabtay xarunta dekeadda waxaana munaasibadaas loogu xafladaynaayay dhagax dhiga ka soo qeyb galay Wafti uu hogaaminayo Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland iyo wafti kaloo uu hogaaminayo Gudoomiye Kuxigenka shirkada DP World Cadnaan Al Abar iyo sidoo kale warbaahin Calamiya oo lagu casuumay.
Waxaa si wadajir ah mashruuca u dhagax dhigay Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadd Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Seylici) iyo guddoomiye ku xigeenka shirkadda DP World, Cadnaan Al-Abar iyo sidoo kale masuul kasocday shirkada dhismaha Dekedan dhiso doonta oo layidhaa Shafa Al Nahda heshiiskan ayay hore u wada saxiixdeen Somaliland iyo DP world, kaasoo wajigiisa hore iminka 400 oo mitir lagu kordhinayo dekedda Berbera, wuxuuna qaadan doonaa dhismuhu muddo laba sano ah sida la sheegay.
Balaadhinta dekedda Berbera ayaa ku soo beegmaysa ayadoo shirkadda DP World iyo jamhuuriyadda Jabuuti ay dacwad ka dhex socoto, ka dib markii Jabuuti ay laashay heshiiskii ay DP World ay ku maamulaysay marsada Dooraale taasina waa fursad ay Somaliland iyo dekeda Berbera ka faa,iidaysan karto