Wasaaradda Ciyaaraha oo Afka Ka Xidhatay Ka Hadalka Dhalinyaradii Reer Somaliland Ee Ku Haligmay Badda
April 19, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda ciyaaraha Somaliland iyo daladda dhalinyaradda heer qaran ee Sonyo ayaa si wada jira uga muquurtay ka hadalka dhibaatooyinka nololeed ee la soo darsa dhalinyaradda reer Somaliland gaar ahaan kuwa badaha ku haligmaya.

Waxa xusid mudan in todobaadkii hore 6 dhalinyaro ah ay kala liqeen badda berbera iyo badda lughaya halka maalintii daraadna ay bada ku haligmeen dhalinyaro reer Somaliland ah oo ka tagtay dalka masar kuna sii jeeday qaaradda yurub